Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga Arsenal Bukayo Saka ayaa ka digay in lagu degdego hadallada ku saabsan ku guuleysiga Premier League, inkasta oo ay kooxda ku jirto bilow xilli-ciyaareed oo aad u fiican.
Arsenal ayaa haatan afar dhibcood ku hogaamineysa horyaalka, iyadoo kooxaha waaweyn sida Liverpool, Manchester City iyo Chelsea ay wali ku jiraan xaalado aan degganayn. Tani waxa ay dhalisay in khubarada ciyaaraha badankood ay aaminaan in horyaalka sanadkan uu gacanta ugu jiro Gunners.
Si kastaba ha ahaatee, Saka ayaa xasuusiyay kooxdiisa in safarka uu weli dheer yahay, isagoo sheegay in khibraddii saddexdii xilli ciyaareed ee ay ku dhowaadeen horyaalka ay ka barteen casharro waaweyn.
Saka oo la hadlay Sky Sports ayaa yiri:
“Marka aad tahay ciyaaryahan Arsenal ah, hadalka ku saabsan booska aad ku dhamaysan doonto horyaalka mar walba waa mid jira.
Mararka qaar xitaa waa la buunbuuniyaa, laakiin sanadkan waxaan nahay koox aad u adag oo tayo leh.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Waxaan ku jirnay tartanka saddex xilli ciyaareed oo xiriir ah, dhammaantoodna waxaan ku dhameysanay kaalinta labaad. Waxyaabaha aan ka baranay waxay noo sheegayaan in bilaha ugu muhiimsan ay yihiin Abriil iyo dhammaadka xilli-ciyaareedka, halkaas ayaana lagu kala baxaa.”
Saka ayaa sidoo kale muujiyay kalsooni ku aaddan kooxda:
“Inkastoo dhaawacyo badan ay na saameeyeen, ciyaartoyda beddelka aan u heysanno waxay muujiyeen in heerka ciyaarta aan hoos loo dhigi doonin.
Haddii aan sidaas kusii wadno, waxaan aaminsanahay inaan qaadi karno.”
Arsenal ayaa u baahan inay sii xajisato isdaba-joogga guulaha iyo xasilloonida, si ay ugu tartanto hanashada horyaalkeedii ugu horreeyay tan iyo 2004tii.








