Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Koonfur Galbeed ayaa Baydhabo ku qabatay tababar ku saabsan is-weydaarsiga khibradaha ee dhalinyarada iyo Bulshada deegaanka, kaasi oo uu furay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Olaad Maxamed Cali waxaana ka qeyb galay Bulsho kala duwan
Tababarkan oo ay taageereen UNICEF iyo Dowladda Jarmalka ayaa lagu xoojinaya doorka dhalinyarada iyo Shacabka ay ku leeyihiin ilaalinta deegaanka iyo la tacaalidda isbeddelka Cimilada waqtigaan dalka ka jira Maadama la dareemayo Saameyntiisa taasi oo u baahan in si wadajir ah la iskaga kaashado sidii wax loogu qaban lahaa
Warkung waliba nig haaye Abdygaadir Mahamed Nor War’edy
 
            