Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaanba la dumin doono Garabka Bari ee Aqalka Cad, halka uu horay u sheegay in qorshihiisa uu ku dhisayo hool weyn oo soo dhaweyn ah uusan waxba u dhimi doonin qaab dhismeedka guud ee Garabka Bari ama dhinaca bari ee aqalka Cas.
Shaqaaluhu waxay bilaabeen inay burburiyaan qaybtan ka midka ah Aqalka Cad Isniintii. Mr Trump waxa uu hore u sheegay in ku darista hool martida cusub lagu qaabilo “aysan wax u dhimayn hab-dhismeedka guud ee dhismaha aqalka Cad.”
Wuxuu diiday eedeymaha hufnaan la’aanta ah ee ku saabsan cabbirrada qorshaha, isagoo u sheegay suxufiyiinta Arbacadii, “Waxaan u maleynayaa inaan ka hufannahay qof kasta.”
Aqalka Cad ayaa muddo labo qarni ah loo isticmaalayey sidii guri iyo xafiiska taariikhiga ah ee madaxweynayaasha Mareykanka. Qeybta loo yaqaano Dhanka bari waxaa la dhisay 1902dii waxaana lagu sameeyay isbedel 1942kii.









