Mikel Arteta Oo Cabsi Ba’an Ka Muujiyay Manchester City

0
28

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa diiday in kooxdiisa loogu yeero kooxda ugu cadcad ee ku guuleysan doonta horyaalka Premier League, inkastoo ay hadda hoggaanka u hayaan miiska tartanka.

Arsenal ayaa saddex dhibcood oo nadiif ah ku hoggaaminaysa horyaalka, kaddib markii ay 1-0 kaga badiyeen Fulham, halka Liverpool ay 2-1 ay Manchester United kaga adkaatay.

Tan iyo guuldarradii ay kala kulmeen Liverpool bishii Agoosto, Arsenal ayaa aan laga badin shan kulan oo xiriir ah oo Premier League ah iyo siddeed tartan oo dhammaan tartamada ah.

Natiijooyinkaas ayaa keentay in Gunners lagu tilmaamo musharraxiinta ugu waaweyn ee horyaalka, balse Arteta ayaa ka gaabsaday inuu aqbalo aragtidaas.

Isagoo la hadlay saxaafadda kahor kulanka Champions League ee ay la ciyaarayaan Atletico Madrid, Arteta ayaa yiri:

“Waxa keliya ee aan diiradda saarayo waa marka aan arko kooxdayda – tamarta, heerkulka, go’aan qaadashada iyo tayada ay bixiyaan.

Taasi waa waxa i siiya kalsooni aan ku aamino inaan tagi karno ilaa dhamaadka.

Laakiin taas waa dareen kaliya — maalinta xigta waa inaad caddeyso. Ma awoodno inaan waqtigeena ku lumino fikirkaas. Waxaa jira sheekooyin badan oo la abuuray kaddib guuldarradii Liverpool.

Ciyaar kasta oo horyaalkan ka mid ahi waa mid loo baahan yahay in la guuleysto. Waxaan ognahay muhiimaddaas, sidaas darteed ma ogolaanayno inaan ugu raaxaysanno guulaha si xad dhaaf ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here