Tahriibayaal ay Soomaali ka mid yihiin oo ku dhintay xeebaha Talyaaniga

0
74

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Dooni tahriibayaal ah oo ay la socdeen ku dhowaad ​​35 qof oo ka soo shiraacatay Liibiya ayaa ku degtay bartamaha Mediterranean-ka, waxaana la xaqiijiyay in mid ka mid ah uu dhintay, labo kalena la la’yahay, sida uu sheegay isku duwaha UNICEF ee dalka Talyaaniga Axaddii.

Hawlgal samata bixin ayaa Jimcihii laga sameeyay xeebaha Jaziirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga, iyadoo ay fuliyeen Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga, kuwaasi oo badbaadiyay 11 tahriibayaal ah oo ay ku jiraan afar carruur ah oo keligood safrayay, waxayna soo saareen meydka haweeney uur leh, sida ay sheegtay Nicola Dell’Arciprete oo ka tirsan UNICEF.

Dadka badbaaday iyo meydka ayaa la geeyay Lampedusa, halka rakaabkii soo haray aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen.

Doonta ayaa degtay kadib labo maalmood oo ay badda ku jirtay, Dell’Arciprete ayaa sidaas yidhi.

Lifaaqan ka dhegeyso faahfaahin dheeraad ah oo shilkaasi ku saabsan oo ay ka warrameyso Shukri Siciid oo ah weriye madax bannaan oo ku nool magaalada Rome ee dalka Talyaaniga:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here