Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda Mashaariic waaweyn ee lagu horumarinayo Kaabyaasha dhaqaalaha Sida Wadooyin Laami ah Buundooyin Biyo Mareenada Bulaacadaha Argooyinka lagu garto Magaalada iyo dhismaha Wadooyinka Xaafadaha si loo fududeeyo siku socodka dadka iyo gaadiidka
Mashriicdaas ka socda Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Maamulaya Dowlada Hoose ee Kismaayo iyadoona sidoo kale Bulshada qeyb ka yihiin si meesha loogu saaro dhibaatooyinkii kala duwanaa ee Magaaladu soo martey taasoo hoos u dhigi jirtey Horumarada hada ka socda









