Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Venezuela ayaa Isniintii ku dhowaaqday inay xirayso safaaradeeda Oslo, maalmo kadib markii hogaamiyaha mucaaradka María Corina Machado la guddoonsiiyay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize.
War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Venezuela kama aysan hadlin abaalmarinta Machado, iyadoo sheegtay in xiritaankan uu qeyb ka yahay dib u habeyn lagu sameynayo adeeggeeda arrimaha dibadda.
Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa xaqiijisay in Caracas ay xirtay safaaradeeda Oslo, iyadoo aan la sheegin sababta.
Guddiga Nobe ee magaalada Oslo ayaa ku abaalmariyay abaal-marintan Jimcihii waxa ay ugu yeereen “shaqada hagar la’aanta ah ee ay ku horumarinayso xuquuqda dimuqraadiga ah ee dadka Venezuela”, halka hoggaamiyaha Venezuela Nicolás Maduro uu ku tilmaamay 58-jirka ku guuleystay abaal-marinta “sixiroole sheydaan”.
Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa go’aankan ku tilmaantay mid laga xumaado.
“In kasta oo aan ku kala duwannahay arrimo dhowr ah, Norway waxa ay rajeyneysaa in ay wadahad la furto Venezuela, waxaana ay sii wadi doontaa inay ka shaqeyso jihadaas,” ayay tiri afhayeen u hadashay wasaaradda.
Waxay intaas ku dartay in abaalmarinta Nobel Prize “ay ka madax bannaan tahay dowladda Norway”.
Caracas ayaa sidoo kale xirtay safaaradeeda Australia iyada oo furaysa xarumo cusub oo ku yaala Zimbabwe iyo Burkina Faso, kuwaas oo ay ugu yeertay “saaxiibada istiraatiijiga ah ee dagaalka” ka dhanka ah “cadaadisyada kuwa isla weyn”.
Xiritaanka safaaradaha Venezuela ee labada dal ee saaxiibada dhow la ah Mareykanka ayaa timid ka dib toddobaadyo ay xiisad adag ka taagneyd magaalada Caracas iyo Washington.