Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in weeraryahanka khibradda leh ee Robert Lewandowski uu dhaawac soo gaaray intii uu ku sugnaa xulka qarankiisa Poland.
Bayaanka rasmiga ah ee Barca ayaa lagu yiri: “Robert Lewandowski waxaa soo gaaray dhaawac muruqa oo qeybta dambe ee bowdada bidix.
Waqtiga uu ku soo kabanayo wuxuu ku xirnaan doonaa sida dhaawaca uu u bogsado.”
Lewandowski ayaa ciyaaray 90 daqiiqo oo buuxa kulankii Poland ay 2-0 kaga adkaatay Lithuania habeenkii Axadda, isaga oo sidoo kale dhaliyay mid ka mid ah goolasha.
Dhaawacan ayaa noqonaya mid niyad-jab leh oo ku yimaaday Barcelona, maadaama ay ku jiraan jadwal adag oo ciyaaro ah, halka tababare Hansi Flick uu rajaynayo in kabtankiisa weerarka uu si degdeg ah u soo kabsado.