Xilliga Cole Palmer Uu Garoomada Kusoo Laabanayo Oo La Xaqiijiyay

0
9

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga weerarka dhexe ee Chelsea, Cole Palmer, ayaa wajahaya bilow isku dhafan oo xilli ciyaareedkan ah, kaddib markii laba jeer garoomada dhaawac looga saaray tan iyo bishii Agoosto.

Sida uu sheegay Mundo Deportivo, 22-jirka reer England ayaa mar kale garoomada uga maqan sababo la xiriira dhaawac muruqa bowdada ah, waxaana la filayaa inuu soo laabto qeybta labaad ee bisha Oktoobar – marka la soo gabagabeeyo fasaxa caalamiga ah.

Palmer ayaa seegay ilaa lix kulan oo tartan kasta ah, kaddib markii dhaawaciisu dib ugu soo noqday dhowr toddobaad ka hor. Kahor dhaawaca, wuxuu ciyaaray afar kulan isagoo dhaliyay laba gool, taas oo muujineysa muhiimaddiisa nidaamka tababare Enzo Maresca.

Iyadoo uu maqanyahay, Chelsea ayaa hadda ku jirta booska 7-aad ee Premier League, iyagoo leh 11 dhibcood todobadii kulan ee ugu horreeyay.

Dhakhaatiirta kooxda ayaa muddo isku dayayay inay si taxaddar leh u maareeyaan dhaawaca Palmer, balse ugu dambeyn waxaa la go’aamiyay in ciyaaryahanku u baahan yahay waqti nasasho oo dheer si uu si buuxda ugu soo kabsado, taas oo laga yaabo inay sii waddo ilaa bilowga Nofeembar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here