Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa afaraad, kaas oo Ajendihiisa uu ahaa ansixinta iyo dhaarinta xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Xuquuqul-Insaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Arimaha Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa Xildhibaanada Golaha shacabka la wadaagtay warbixinta xubnaha guddiga iyo waaya aragnimadooda, iyadoo ka codsatay in ay ansixiyaan.
Warkung Waliba nig haaye Abdirahmaan Mahamed Ahmed