Braziil Oo loogu digey in ay Cadaadis saaraan Casemiro

0
25

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Casemiro ayaa uga digay Brazil in aysan cadaadis saarin garabka Chelsea ee dhalinyarada ah Estevão.

Casemiro ayaa hadalkan jeediyay kaddib bandhiggii cajiibka ahaa ee Estevão uu sameeyay kulankii saaxiibtinimo ee Brazil 5-0 ku xasuuqday Koonfurta Kuuriya Jimcihii.

Estevão, oo 18 jir ah, ayaa ciyaartaas dhaliyay laba gool, taasoo sii adkaysay tartankiisa ah inuu boos ka helo xulka Brazil ee uu hoggaamiyo Carlo Ancelotti kahor Koobka Adduunka ee sannadka dambe.

Casemiro oo la hadlay saxaafadda kaddib kulanka ayaa yiri:

“Waa ciyaaryahan da’yar, mana aha inaan saarno cadaadis badan,” ayuu yiri Casemiro.

“Waa arrin aad muhiim u ah, waana inaan tan adkeynaa — xitaa isaga laftiisa waan u sheegnaa.

Sababtoo ah waxaan aragnay ciyaartoy badan oo marka cadaadis la saaro uu si degdeg ah hoos u dhaco heer ciyaareedkooda.”

Wuxuu sii raaciyay:

“Wuxuu u ciyaaraa Chelsea, wuxuuna ka mid yahay ciyaartoyda joogtada ah ee horyaalka ugu adag dunida — Premier League.

Laakiin waa inaan u dhaqannaa si tartiib ah, si deggan.”

Estevão ayaa tan iyo markii uu £29 milyan kaga soo wareegay Palmeiras si degdeg ah ugu muujiyay Chelsea awood, kalsooni iyo xawaare, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah xiddigaha ugu xiisaha badan ee mustaqbalka Brazil.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here