Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Uganda iyo Soomaaliya ayaa dhawaan kala saxiixday saddex heshiis-isfahan si kor loogu qaado iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, iyo maamulka socdaalka.
Heshiisyadan ayaa la soo gebagebeeyey shalay markii la soo gebagebeeyey shirkii labaad ee labada maalmood socday ee Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka ah ee Uganda iyo Soomaaliya iyo Madasha Maalgashiga iyo Ganacsiga, kaasoo ka dhacay magaalada Kampala.
Wafdiga Uganda ayaa waxaa hogaaminayay John Mulimba oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibadda u qaabilsan iskaashiga gobolka. Wafdiga Soomaaliya waxaa hogaaminayay Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ah wasiirka waxbarashada.