Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Daafaca reer Argentina ee Manchester United, Lisandro Martinez, ayaa bartilmaameedsanaya inuu garoomada ku soo laabto dabayaaqada bisha Oktoobar ama horraanta Nofeembar, isagoo weli ku jira marxaladda soo kabashada dhaawacii soo gaaray.
Kooxda United ayaa adeegsaneysa hab taxaddar leh si aysan u dedejin soo laabashadiisa, iyagoo doonaya inuu si buuxda ugu soo kabto una dhammaystiro taam ahaanshihiisa si looga hortago dhaawacyo soo noqnoqda.
Qorshaha kooxda waxa kale oo ku jira in Martinez loo diyaariyo muddo fog, iyagoo maskaxda ku haya in uu taam noqonayo ka hor Koobka Adduunka ee 2026.
Soo laabashada Martinez ayaa noqon doonta dhiirrigelin weyn oo u soo kordha difaaca United oo waayahan dambe dhibaato badan la daalaa dhacayay.