Vitinha Oo Shaaciyay Hadafkiisa Ugu Weyn Ee Xulka Portugal

0
22

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xilli uu socda fasaxa ciyaaraha caalamiga ah, xiddigaha ugu badan ayaa loogu yeeray inay metelaan dalalkooda.

Laacibka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain, Vitinha, ayaa si cad u muujiyay hamigiisa weyn, isagoo sheegay in guul ka gaadhista Koobka Adduunka 2026 ay noqon lahayd riyadiisa ugu sarreysa.

Isagoo ka hadlay shir jaraa’id ka hor kulanka ay Portugal la ciyaarayso Armenia, kaasoo qeyb ka ah isreeb-reebka Koobka Adduunka, ayuu yiri:

“Yaanan ku riyooneyn ku guuleysiga Koobka Adduunka? Taasi waxay noqon lahayd wax qumman. Waxaan hore u gaarnay guulo waaweyn oo tartamada Yurub.Waxaan ku guuleystay mid ka mid ah koobabka ugu weyn. Koobka Adduunkana waa midka aan tiigsanayo. Waxaan ku dadaali doonaa inaan hanano.”

Vitinha ayaa ku adkeystay in Portugal ay leedahay tayada iyo khibradda lagama maarmaanka ah, balse ujeeddada ugu dambeysa tahay in la gaadho guusha ugu weyn ee kubadda cagta caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here