Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Lambarka uu xiran doono saxiixa xagaaga ee Alejandro Garnacho ee Chelsea ayaa la xaqiijiyey.
Xiddiga caalamiga ah ee Argentina ayaa Sabtidii hore kaga soo wareegay Manchester United kuna biiray Blues.
Weeraryahanka garabka ah ayaa joogay Stamford Bridge si uu u daawado saaxiibadiisa cusub oo 2-0 kaga badiyey Fulham horyaalka Premier League toddobaadkii hore.
Si kastaba ha ahaatee, 21-jirkan ayaa haatan xirandoonaa maaliyadda lambarka 49-aad ee kooxda reer galbeedka London xilli-ciyaareedkan cusub.
“Waxaan leeyahay maskax guuleed, waxaan leeyahay xamaasad iyo shakhsiyad weyn,” ayuu Garnacho yiri kaddib markii uu ku biiray Chelsea.
“Chelsea waxay hadda joogtaa heerka ugu sarreeya, waana muhiim in loogu dagaallamo naadiga sida ay taageerayaashu u qalmaan.”