Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Mashruucan oo la bilaabay dhamaadkii Sanadii 2024, ayaa si rasmi ah ku soo gaba-gaboobay 2025, Kaasoo ah Tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo kaabayaasha Ciidanka Booliska ee Gobollada kala duwan ee Puntland,Munaasabadda lagu wareejinayay dhismayaasha ayaa ka dhacday Magaalada Garoowe, waxaana goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland iyo saraakiil sare oo Booliska ah.
Dhismayaashan cusub ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dowladda Puntland ku doonayso horumarinta Amniga iyo Casriyeynta adeegyada Booliska dalka, taas oo gacan ka geysan doonta Sugidda Xasilloonida, ilaalinta muwaadiniinta iyo kobcinta kalsoonida Shacabka.
Warkung waliba ning haaye Abdygaadir Mahamad Nor War’edy