Xogta Isku Aadka Heerka Horyaalka Ee Champions League

0
13

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Indhaha taageerayaasha kubadda cagta Yurub ayaa ku jihaysan Imaraadka Monaco ee Faransiiska habeenka Khamiista, halkaas oo lagu qaban doono isku aadka wareega horyaalka ee tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka 2025-2026, iyadoo ay ka qaybgalayaan 36 kooxood.

Ururka Kubadda Cagta Yurub “UEFA” wuxuu sii wadaa hirgelinta nidaamka cusub ee tartanka, kaas oo markii ugu horreysay la hirgeliyay xilli ciyaareedka 2024-2025, iyadoo la baabi’iyay nidaamkii hore ee Group-yada iyadoo lagu beddelay wareeg ballaaran oo ay ku ciyaaraan koox walba 8 kulan. Sida nidaamkan, kooxaha 36-da ah ayaa lagu qaybiyaa afarta weji iyadoo loo eegayo qiimeyntooda Yurub, ka dibna waxaa loo qaybin doonaa iyada oo loo marayo qodobka si loo go’aamiyo kulammada.

Waxaa la qorsheeyay in isku aadka la sameeyo 7:00 Fiidnimo wakhtiga Somaliya waxana ay koox walba ogaan doontaa kulamada ay ciyaari doonto Iyo kooxaha ay la ciyaari doonto.

8-da kooxood ee uGu sareeya horyaalka ayaa si toos ah uGu gudbi doona wareega 16-ka champions League halka kooxaha gala kaalinta 9-aad ilaa 24 ay mari doonaan kulamo is reeb-reeb ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here