Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac, ayaa Muqdisho ka daahfuray Wareegga Toddobaad ee Sahanka Tusayaasha Badan ee Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Istaatistikada Qaranka Sahankan oo lagu ururin doona xog muhiim ah oo ku saabsan caafimaadka, waxbarashada, Nafaqada, ilaalinta Carruurta, Biyaha iyo Nadaafadda, si Dowladdu uga qaadato go’aanno ku saleysan xog sax ah.
Munaasabada Dahfurka Mashruucan ayaa waxaa Goobjoog ahaa Wasiiro ka tirsan Xokumada Xilibaano Aqoonyahano wakiilo ka socdey Beesha Caalamka iyo Marti Sharaf kale iyadoona kulanka looga hadlay Muhiimada ay leedahay Xog aruurin sax ah oo lagu ogaanayo daruufaha dalka ka jirta
Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mahamed Nor War’edy