Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Magaalada Baydhabo ayaa mudooyinkan dambe waxaa ka socdey Mashruucyo kala duwan oo lagu dhisaayey wadooyinka Magaalada dibna looga dayacatirayey wadooyinkii horey u jirey ee ka muuqdey bur-bur aad u balaaran muhiimada aheyd in la dhiso taasi oo dadaalo dheeraad ah ku bixiyey maamulka Degmada iyo Mas’uulyiinta Dowlada Konfur Galbeed Soomaaliya
Waxaa hada meel geba geba ah marayaa Howlaha dhismaha ee wadooyinka gala Xaafada isha Magaalada Baydhabo gaar ahaan wadada dheer ee xiriirsa Geboorda ilaa suuqa ee xaafada isha ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweyey qeybaha kala duwan ee Bulshada Xaafadaasi
Warkung Waliba nig haayte Marring Maallang Abshir