Baydhowy (Raathiyow Arlaathy) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacgelinta Bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Maxamed Ibraahim Cali Bilaal daah furay tababar labo maalmood soconaya oo lagu xoojinayo awoodda haweenka suxufiyiinta gaar ahaan gabdhaha ka shaqeeya warbaahinta.
Tababarkaan oo uu soo qabanqaabiyay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SWJO), ayaa waxaa ka faa’iideysanaya 20 gabdhood oo wariyeyaal ah. Waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed, Mudane Muxudiin Xasan Maxamed (Xusni).
Warkung waliba nig haayte Mariing Mallyng Abshir