Baydhowy (Raathiyow Arlaathy)Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa sheegay in ayna Liverpool ku Guulaysan doonin premier league Xilli Ciyaareerdka hadii ay kooxdu ka furantahay dhinaca daafaca.
Carragher ayaa ka hadlayay Sky Sports ka dib markii ay Reds ku furteen xilli ciyaareedka cusub iyagoo 4-2 kaga badiyay Bournemouth habeenkii Jimcaha.
Hugo Etikike ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Liverpool ka dib markii uu ku soo dhex orday kubbad uu si degan u daba mariyay goolhaye Petrovic.
Liverpool ayaa dhalisay gool kale laakiin wax laga dhaliyay laba Gool ka Hor inta ayna Dhalin 2 kale iyada oo ku badisay 4/2.
Carragher ayaa yiri: “Liverpool wax badan ayay dhalin doontaa, wax badana waa laga dhalin doonaa sidoo kale waxaa laga yaabaa inay tahay kooxda ugu madadaalada badan Premier League, laakiin taasi ma ahan wax aan rajeynayo, sababtoo ah haddii ay sidaas oo kale soo bandhigaan aad ayay u adag tahay inay Difaacdaan premier league”.
“Laakin aniga ahaan aad ayay u furfuran yihiin waxayna u nugul yihiin weerarka rogaal celiska ah, waxaa jira wax u baahan in la hagaajiyo.”