Cristiano Ronaldo Oo Amaanay Viktor Gyokeres

0
12

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Cristiano Ronaldo ayaa amaanay xiddigii hore ee Sporting CP Viktor Gyokeres isaga oo ku tilmaamay ‘ciyaaryahan gaar ah’ ka dib markii uu weeraryahanka u dhaqaaqay Arsenal xagaagan.

Gyokeres ayaa Arsenal ugu wareegay adduun dhan 64 milyan oo euro oo ay ku jiraan gunnooyinka la xidhiidha kulamada, goolasha iyo caawinta.

Weeraryahanka ayaa laga doonayay suuqa kala iibsiga ka dib xilli ciyaareed guul ah oo uu ku qaatay Sporting, halkaas oo uu u dhaliyay 54 gool.

Ka dib ciyaartii saaxiibtinimo ee Al-Nassr ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub halkaas oo uu Ronaldo dhaliyay 3 gool ayuu Ronaldo amaanay saxiixa cusub ee Arsenal.

Isagoo la hadlayay saxafiyiinta, 40-sano jirkaan ayaa yiri: “Waxaan rajeynayaa inuu yahay horyaal tartan ah, waxaan mar walba rajeynayaa wanaag iyo in Sporting ay mar kale ku guulaysato horyaalka”.

“Gyokeres wuxuu ahaa ciyaaryahan gaar ah, laakiin kooxdu waa inay la qabsato. Waxaan aaminsanahay in Suárez, oo ka yimid Almeria, uu yahay weeraryahan aad u wanaagsan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here