Man United Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixa Benjamin Sesko

0
11

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Weeraryahanka RB Leipzig, Benjamin Sesko ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Manchester United.

Kooxaha Man United iyo Newcastle ayaa ku dagaalamaya saxiixa weeraryahanka RB Leipzig ee Sesko.

Inkastoo 22-sano jirkaan uu sidoo kale heshiis la gaaray Magpies, waxaa la rumeysan yahay inuu doorbidayo u dhaqaaqista Old Trafford.

Red Devils ayaa si rasmi ah u gudbisay dalab qiimihiisu yahay 85 milyan oo Yuuro oo ay ku jiraan lacago guno ah.

Dalabkooda ayaa yimid ka dib markii Newcastle ay dalab 90 milyan euro ah ka gudbisay weeraryahanka Slovenia. Eddie Howe ayaa suuqa ugu jira badalka Alexander Isak.

Labada kooxood ee Premier League ayaa hadda dagaal ugu jira inay heshiis la gaaraan Leipzig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here