Baydhowy (Raathiyow Arlaathy) Weeraryahanka kooxda Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa shaaca ka qaaday inuu aad ugu haminayo guul iyo waxqabad weyn xilli ciyaareedka cusub.
Mbappe oo 26 jir ah ayaa fariin dhiirrigelin leh soo dhigay Instagram-kiisa fiidnimadii Isniinta, wuxuuna yiri
Discover related topics
Mbappe Goals for France
Mbappe France Debut
Psg Sign Mbappe
Mbappe Transfer Psg
Mbappe Vs Psg
Xilli ciyaareedka cusub, waxaan u oomanahay inaan wax weyn sameeyo oo aan koobab ku guuleysto.
Aan wada soconno, Madridistas. HALA MADRID.”
💥 Mbappe & Xilli Ciyaareedkan:
- Mbappé ayaa ah kabtanka xulka France iyo lambarka 10-aad ee cusub ee Real Madrid.
- Waxa uu xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 44 gool, isagoo ku guuleystay abaalmarinta Pichichi iyo Golden Boot.
- Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay inuu noqon doono xiddiga rigoorooyinka u laadi doona kooxda Alonso xilli ciyaareedkan.
Mbappé ayaa sanadkii hore uga soo wareegay Paris Saint-Germain kooxda Los Blancos, waxaana lagu tilmaamayaa inuu yahay tiir dhexe oo kooxda lagu dhisi doono sannadaha soo socda.