Dhismaha Wadooyin Interlock ah Oo ka socda Xaafada Cadaada Magaalada Baydhabo

0
63

Baydhowy (Raathiyow Arlaathy) Maamulka Degmada Baydhabo ayaa wada dhismaha qaar ka mid ah wadooyinka dhagaxaanta ah ee muhiimka u ah isku socodka Bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo gaar ahaan Xaafadda Cadaada oo dhibaata badan ku qabey wado La,aanta iyo meelaha qaar aysan lahayn wax wado ah dadku isticmaalaan

Wadooyinkan cusub ee haatan laga wado gudaha xaafadda Cadaada ayaa qeyb ka ah qorshaha dowlad hoose ee degmada Baydhabo ugu talagashay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo hagaajinta adeegyada bulshada ayadoo la rajeynayo in marka la dhameeyo dhismaha wadooyinkan ay si weyn u fududeyn doonto isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Warkung waliba nig haayte Rahmy Salaad Abdyllahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here