Baydhowy (Raathiyow Arlaathy) Viktor Gyokeres ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayay inuu ku biiro Arsenal ka hor Manchester United ka dib markii uu wajahay kooxda Mikel Arteta ee Champions League xilli ciyaareedkii hore.
Arsenal ayaa ugu dambayn dhamaystirtay heshiiska ay kula soo saxiixanayso weeraryahanka Sporting CP kadib markii ay ogolaatay heshiis ku kacaya 63.5 milyan oo euro.
Gyokeres oo jimcihii u safray London oo sabtidii tijaabada caafimaadka u maray ayaa Gunners u saxiixay heshiis shan sano ah, wuxuuna xiran doonaa funaanadda caanka ah ee No.14.
27 jirkaan ayaa sidoo kale xiiso ka helay Manchester United, waxana uu Old Trafford kula midoobi karay Ruben Amorim.
Si kastaba ha ahaatee, Gyokeres ayaa diiday ku biirista Man United waxana uu ka doortay Arsenal.
“Waxa aan dareemay in ay ii tahay kooxda saxda ah,” ayuu Gyokeres ku yidhi waraysi uu siiyay Arsenal.com
Waxa aan ka maqlay Mikel iyo Andrea markii aan la hadlayay iyaga, iyo waxa aan arkay sanadihii la soo dhaafay, sida ay u ciyaarayeen kubada cagta”
“Markii aan la ciyaarayay Arsenal xilli ciyaareedkii hore, runtii waxaan dareemi karay inay ahayd koox aad u xoogan oo aad u adag in lala ciyaaro”
“Taasi waxay iga dhigtay inaan doorto Arsenal, iyo dabcan dhamaan taariikhda ay kooxdu leedahay iyo taageereyaasha wayn”