Baydhowy (Raathiyow Arlaathy) Maamulaha kooxda Inter Miami, Jorge Mas, ayaa shaaca ka qaaday in Lionel Messi uu si aad ah uga xumaaday ganaaxa halka-kulan ee uu muteystay kaddib markii uu ka maqnaaday ciyaarta MLS All-Star Game iyada oo aan wax cudurdaar ah laga helin.
Ganaaxan, oo sidoo kale saameeyay saaxiibkiis Jordi Alba, ayaa ka hor istaagaya Messi inuu ka qeyb galo kulanka ay Inter Miami la ciyaareyso FC Cincinnati maalinta Sabtida, July 26, 2025.
Jorge Mas ayaa yiri:
“Messi aad ayuu u naxay. Waxaan rajeynayaa inaysan saameyn ku yeelan arrintan mustaqbalkiisa,”
Wuxuu muujiyay cabsi ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto arrintan mustaqbalkiisa.
Waxa uu intaas ku daray:
“Ma saamayn doontaa aragtida Messi ee horyaalka iyo xeerarkiisa? Shaki kuma jiro in ay saamayn doonto.”
Ganaaxan ayaa yimid iyadoo la raacayo xeerarka MLS, kuwaasoo mamnuucaya in ciyaaryahan uu ka qeyb galo kulanka xiga ee kooxdiisa haddii uu ka maqnaado All-Star Game-ka iyadoon ogolaansho la siin.
Tababaraha Inter Miami, Javier Mascherano, ayaa hore u sheegay in Messi iyo Alba aysan ka qeyb gelin tababarka guud ee kooxda sababo la xiriira daal, isagoo sheegay in Messi uu la ildaran yahay daal caadi ah oo ka dhashay tirada kulamada uu ciyaaray. Daalkaasi waxaa sii xoojiyay xilli ciyaareed adag oo ay qeyb ka ahaayeen Club World Cup iyo kulamadii isreeb-reebka Koobka Adduunka ee 2026 oo uu Argentina