Liverpool Oo Heshiis Cusub U Soo Bandhigtay Xiddig Kooxdeeda Ah.

0
18
Screenshot

Baydhowy (Raathiyow Arlaathy) Maamulka Liverpool ayaa doonaya in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga daafaca uga ciyaara ee Ibrahima Konate.

Mustaqbalka Ibrahima Konate ee Liverpool ayuu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa isaga oo xiiso ka helaya kooxda Real Madrid.

Joogitaanka Konate ee Liverpool ayaa muhiimad gaar ah u leh tababare Arne Slot, kaasoo si weyn ugu tiirsan isaga iyo Van Dijk oo ka ciyaara daafaca dhexe.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday French Football, Liverpool ayaa u gudbisay Konate dalab cusub oo ay doonayso in ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga.

Wargeyska Faransiiska ah ee L’Equipe ayaa arrintan ku xusay in maamulka Liverpool ay ka go’an tahay inay qandaraaska u cusbooneysiiyaan Konate oo aysan u ogolaan inuu bilaash ku baxo dhammaadka xilli ciyaareedka cusub.

Konate waa 26 jir, waxa uu kooxda Liverpool kula jiraa heshiis dhacaya ilaa xagaaga 2026.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here