Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Manchester United ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in weeraryahanka cusub Bryan Mbeumo uu xiran doono lambarka 19-aad ee kooxda, kaddib markii uu kaga soo wareegay Brentford lacag dhan £71 milyan ($96m) inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagana
Mbeumo, oo 25 jir ah, ayaa lambarkaas si weyn ugu caan baxay xilligii uu joogay Brentford – halkaas oo uu ka dhaliyay 70 gool 242 kulan oo uu saftay. Haatan, wuxuu ka dhaxlay lambar 19 ciyaaryahankii reer France ee Raphael Varane, kaasoo kooxda ka tagay dhammaadkii xilli ciyaareedkii 2023–24.
Lambarkan waxaa horey u xirtay xiddigo ay ka mid yihiin Amad Diallo, Marcus Rashford, James Wilson, Danny Welbeck, Dwight Yorke, iyo laacibkii hore ee reer Cameroon, Eric Djemba-Djemba.
Mbeumo oo hadal kooban jeediyay kaddib saxiixa ayaa yiri:
“Markii aan ogaaday in ay jirto fursad aan ugu biiri karo Manchester United, waxaan isla markiiba go’aansaday inaan ka dhabeeyo– waa kooxda aan carruurnimadieydii ku riyoon jiray.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Maskaxdayda waa mid had iyo jeer doonaysa horumar. Waxaan aaminsanahay in aan leeyahay dabeecad iyo ruux igu filan si aan heer sare uga gaaro halkan, anigoo wax ka baranaya Ruben Amorim isla markaana ka garab ciyaaraya ciyaartooy heer caalami ah.”
Mbeumo ayaa la filayaa inuu si degdeg ah qayb uga noqdo qorshaha tababare Ruben Amorim, iyadoo United ay sameynayso dib-u-dhis weerar ah ka hor xilli ciyaareedka cusub.