Wakhtiga Uu Ekitike Tijaabada Caafimaadka U Marayo Liverpool Oo La Shaaciyay

0
16

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Hugo Ekitike ayaa la filayaa inuu soo gaaro UK maalinta Talaadada si uu u maro baaritaanka caafimaad kahor inta uusan dhammeystirin heshiis lacago badan ku kacaya oo uu ugu wareegayo Liverpool, sida uu sheegay wargeyska The Athletic.

Liverpool ayaa heshiis hordhac ah la gaartay Eintracht Frankfurt oo ku saabsan weeraryahanka 23-jirka ah, waxaana la sheegay in qiimaha heshiisku yahay £69 milyan oo ah lacagta bilowga ah, iyo £10 milyan oo kale oo ku xiran waxqabadkiisa.

Ekitike ayaa saxiixi doona qandaraas lix sano ah marka uu soo maro baaritaanka caafimaadka, kadibna wuxuu u safri doonaa Hong Kong si uu ugu biiro kooxda Arne Slot ee ku jirta safarka diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub.

Weeraryahanka reer France ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ka sameeyay Bundesliga, isagoo dhaliyay 22 gool isla markaana bixiyay 12 caawin intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2024/25. Waxqabadkiisa ayaa u suurtageliyay inuu ka mid noqdo “Kooxda Xilli Ciyaareedka Bundesliga”, wax yar kadib markii uu si rasmi ah uga soo wareegay PSG oo uu kaga yimid amaah, heshiiskii joogtada ahaa wuxuu ku kacay €17.5 milyan.

Ekitike oo kasoo baxay akadeemiyadda Reims ayaa horey ugu ciyaaray xulka France ee da’yarta (U21), waxaana lagu tilmaamaa inuu dhowaan ku soo bixi doono xulka waaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here