Waa Tan Lacagta Malaayiinta Ah Ee Uu Rashford Ka Tanaasulay Si Uu Ugu Biiro Barcelona

0
3

Baydhowy(Raathiyow Arlaathi) Weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford ayaa la xaqiijiyay inuu qaaday tallaabo muuqata si uu ugu biiro kooxda Barcelona, isagoo si weyn u dhimay mushaarkiisa si uu u fududeeyo heshiiska amaahda.

Sida uu shaaciyay weriyaha lagu kalsoon yahay Ben Jacobs, Rashford ayaa ogolaaday inuu qaato €10 milyan sanadkii, taasoo si aad ah uga yar mushaarkiisii hore ee €18 milyan uu ka qaadan jiray Manchester United.

Tallaabadan ayaa si weyn u caawisay Barcelona, kuwaas oo dhibaato kala kulmay diiwaangelinta ciyaartoyda sabab la xiriirta xeerarka dhaqaale ee La Liga. Hoos u dhigidda mushaarka Rashford ayaa kooxda u suurto gelisay inay gebi ahaanba daboolaan kharashka heshiiska, taasoo ka dhigtay mid la aqbali karo oo ay Man United ogolaatay.

Tababaraha cusub ee Barca Hansi Flick ayaa ansixiyay heshiiska waxaana uu durba la hadlay Rashford. Kooxda ayaa haatan ku mashquulsan sidii ay si rasmi ah ugu xaqiijin lahaayeen laacibkan, kaddib markii uu burburay qorshahii ay ku doonayeen Nico Williams sababo la xiriira xaddidaadaha diiwaangelinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here