Olole lagaula dagaalamayo halista Bacaha Oo laga bilaabey Baydhabo

0
14

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ololahan ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadista wacyiga Bulshada Baydhabo ee ku aaddan ilaalinta Deegaanka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo xakamaynta iyo joojinta adeegsiga bacaha balaastikada ah taasoo si weyn waxyeello ugu haya deegaanka, gaar ahaan marka si aan habboonayn loogu tuuro wadooyinka Magaalada iyo goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan.

Ololeyaashan nadaafadeed iyo wacyigelineed ayaa laga sameeyey wadooyinka Xaafadaha Magaalada Baydhabo oo qeyb ka ah qorshe ballaaran oo ay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada KGS wado, kaasoo la doonayo in lagu yareeyo wasakheynta deegaanka iyo waxyeellada ka dhalata isbeddelka cimilada, iyadoo xoogga la saarayo ka qaybgalka bulshada iyo sare u qaadidda fahamka deegaanka.

Warkung waliba nig haayte Rahmy Salaad Abdylahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here