Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Wargayska AS ee ka soo baxa dalka Spain ayaa sheegay in Liverpool ay si wayn u xiisaynayso saxiixa xiddiga reer Brazil ee Rodrygo Goes oo ka tirsan Real Madrid inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Wargeyska ayaa sheegay in kooxda reer England ay u dirtay ergey rasmi ah – wakiilka caanka ah ee Pini Zahavi – caasimadda Madrid, si uu u bilaabo wada xaajood toos ah.
Reds ayaa doonaysa in ay kooxdeeda ku xoojiso saxiixyo xoogan xagaagan, Rodrygo ayaana ah mudnaanta koowaad si uu u xoojiyo booska garabka bidix.
Dhanka kale kooxda Real Madrid ayaa xiddigan ku iibsatay lacag dhan 100 milyan oo euro, lacagtaas oo ah lacag aad u badan oo ay gaadhi karaan kooxaha waaweyn sida Liverpool iyo Arsenal.
Sida warbixinta lagu sheegay, Rodrygo ayaa weli door bida inuu sii joogo Santiago Bernabéu, waxaana la filayaa inuu kulan la qaato maamulka kooxda si uu ugala hadlo mustaqbalkiisa toddobaadyada soo socda.
Warku wuxuu intaa ku daray in ciyaartoygu aanu ka hor imanayn fikirka ah inuu ka tago kooxda haddii ay kooxdu go’aansato inay iibiso, waase haddii loo ogolaado inuu doorto meesha uu ku wajahan yahay.