Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Maamulka Degmada Cadaado oo ku guda jira hirgelinta Master Plan-ka magaalada, ayaa si rasmi ah uga bilaabay xaafadda Waabari shaqo lagu nashqadeynayo dhulka banaan, si dhismayaasha magaalada u noqdaan kuwa nidaamsan oo bilicsan.
Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Cadaado, Cabdixakiin Maxamed Cali (Shilin), oo ay wehlinayaan Agaasimaha Howlaha Guud iyo Dhulalka, Agaasimaha Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Qorsheynta, iyo xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, ayaa kormeeray goobta shaqadu ka socoto.
Warkung waliba nig haaye Mahamed Aadan Wadani