Man City Oo Laga Cidhib-tiray Koobka Kooxaha Adduunka.

0
10

Baydhowy (Raathiyow Arlaathy)Kooxda Man city ayaa laga reebay koobka kooxaha adduunka kadib guuldaro ay kala kulmeen kooxaha Al-Hilal ee ka socota sucuudiga.

Labada kooxood ayaa isaga hor yimid wareega 8 dhamaadka koobka kooxaha adduunka.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay labada kooxood soo  bandhigeen qaab ciyaareed aad u fiican.

Man city ayaa maamulaysay ciyaarta halka ay Al-Hilal ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah.

Man city ayaa goolasha bilowday daqiiqadii 9-aad waxana u dhaliyay Bernanrdo Silva xiddigaha Haaland iyo foden ayaa dhaliyay labada gool ee kale ee man city.

Al-Hilal ayaa iyaduna dhalisay 4 gool iyaga oo 3 jeer Man city kaga hor maray goolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here