Baydhowy (Raathiyow Arlaathy) Kulankan oo socon doona muddo labo maalmood, ayaa diiradda lagu saarayaa ka qeyb qaadashada Bulshada ee Amniga, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Shacabka iyo Booliiska si loo gaaro Nabad waarta iyo kalsooni dhexmarta Shacabka iyo Hay’adaha Amniga
Kulankan waxaa ka qaybgalaya Odayaasha Dhaqanka, Culimada, iyo Maamulada Xaafadaha Degmada Baydhabo, iyadoo sidoo kale ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga KG.
Warkung waliba nig haayte Rahmy Salaad Abdyllahi