Baydhowy (Raathiyow Arlaathy) Dowlad Goboleedka KG ayaa Sanooyinkan dambe wadey dadaalo Sharciyo loogu sameynayo Waxyaabaha Bulshada Muhiimka u ah taasoo kor u qaadeysa Horumarinta Nidaamka Dowladeed,Wasaarada Haweenka KG, ayaa hada ka shaqeyneysa Sidii loo heli lahaa Sharci Xuquuqda Carruurta KG ilaalinaya kaa soo meel gebagaba ah maraya oo qoristiisa ay gacanta ku heyso Wasaaradu.
Wasiir Wasaarada Haweenka Arimaha Xuquuq Insaanka KG Shamso Mahamed Yarow ayaa sheegtey in Sharciga Carruurta waqti dhow la horgeyn doono Golaha Wasiirada si loo helo Sharci ilaalinaya Xuquuqda Caruurta waxay kaloo xustey in Wasaaradu wado Wacyigelin la siinayo Waalidiinta ee ku aadan ilaalinta iyo daryeelida Xuqquuqda Caruurta KG si loo Hagaajiyo Mustaqbalkooda.
Warkung waliba nig haayte Rahmy Salaad Abdyllahi