Baydhowy (Raathiyow Arlaathy) Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SWJO), oo kaashanaysa UNESCO ayaa maanta ka daahfuray magaalada Xudur, ee gobolka Bakool tababar socon doona 3 maalmood, kaas oo lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadda saxafiyiinta kuna saabsan sinnaanta jinsiga iyo la dagaallanka tacaddiga jinsiga ee ka dhex jira warbaahinta.
Tababarkan waxaa ka qeybgalaya 20 saxafi oo ka kala socda warbaahinta maxalliga ah iyo weriyeyaasha gobolka, iyadoo lagu barayo habab wax ku ool ah oo lagu horumarin karo saxaafadda loo dhan yahay, laguna abuuri karo deegaan shaqo oo ammaan ah oo dheddig iyo labba ay ku wada shaqeyn karaan si xor iyo xushmad leh.
Warkung waliba nig haayte Rahmy Salaad Abdyllahi