Nico Williams Oo Ku Wajahan Barca

0
15

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona, Deco, ayaa maanta magaalada Barcelona kulan gaar ah kula yeeshay wakiilka Nico Williams, xiddiga da’da yar ee Athletic Bilbao, sida ay warbixinadu sheegayaan. Kulankaas ayaa socday muddo hal saac iyo bar ah, waxaana uu imanayaa iyadoo mustaqbalka Williams uu noqday mid si weyn loo hadal hayo.

Kooxaha Doonaya Nico Williams:

Bayern Munich

Arsenal

Chelsea

Kooxahaas ayaa dhammaantood muujiyay daneyn xooggan oo ku aaddan xiddigan reer Spain, halka Athletic Bilbao ay dooneyso in ay sii haysato, waxayna horay ugu soo bandhigtay heshiis cusub oo leh kordhin mushaar deg deg ah, si ay uga hortagto dalabyada ka imaanaya kooxaha Yurub.

Xaaladda Heshiiska:

Williams wuxuu haatan ku jiraa qandaraas soconaya ilaa 2027.

Athletic Bilbao waxay diyaar u tahay inay qaddariso horumarkiisa iyo doorkiisa muhiimka ah.

Xaaladda Barcelona:

Barca ayaa horey u dooneysay saxiixa Williams balse waxay uga gaabsatay sababo la xiriira qiimaha sare ee lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Luis Diaz oo Liverpool ka tirsan ayaa wali ah bartilmaameedka koowaad ee Barca – inkasta oo aan la dhayalsan karin in Williams uu mar kale kusoo laabto miiska wadahadalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here