Xulka Portugal Oo Markii 2-aad Ku Guulaystay UEFA Nations League.

0
15

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Portugal ayaa ku guuleysatay koobka UEFA Nations League ka dib markii ay rigoorayaal kaga badisay Spain,ka dib markii ay barbardhac 2-2 ah ku dhamaatay waqtigii 90-ka daqiiqo Iyo waliba wakhtigii dheeriga ahaa Portugal ayaa ku guuleysatay koobka UEFA Nations League ka dib markii ay rigoorayaal kaga badisay Spain,ka dib markii ay barbardhac 2-2 ah ku dhamaatay waqtigii

Spain ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Martin Zubimendi laakiin waxa isla markiiba bar-bareeyay xiddiga Neves kaas oo gool qurux badan u dhaliyay xulka qarankiisa.

Daqiiqadii 45 aad Mikel Oyarzabal ayaa goolka labaad u dhaliyay Spain kadib baas uu ka helay gudaha xerada ganaaxa, ka hor inta uusan kubad joog hoose ah shabaqa dhex dhigin.

ayaa dhaliyay goolkii barbaraha ee Portugal ka dib baas uu ka helay Nuno Mendes isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Labada xul ayaa aaday waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray, taasoo aan wax cusub soo bandhigin inkastoo Portugal ay ka sareysay, sidaas darteed ciyaarta ayaa lagu kala baxay rigooreyaal, waxaana 5-3 ku badisay Portugal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here