Laamaha Amniga Degmada Xudur Oo Soo saaray Awaamiir ku saabsan Maalimaha Ciida

0
9

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kadib markii ay Kulan ku yeesheen Magaalada Xudur Maamulka Gobolka Bokool kan Degmada Xudur iyo Laamaha Amaanka kaas oo looga hadlayay Amniga guud ee gobolka inta lagu guda jiro Maalmaha Ciida waxaana ka qayb galay Saraakiisha Ciidamada qalabka sida, iyo Ciidamada Nabad ilaalinta Ee Itoobiya

Intii uu socday shirka waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xaaladda Amniga Gobolka waxaana laga soo saaray amar ah in aan la iskugu imaan Karin Goobaha Ciyaaraha dhaqanka lagu Ciyaaro si loo ilaaliyo badqabka Bulshada, Sidoo kale dadweynaha looga baaqay in ay ka fogaadaan wax kasta oo khatar ku noqon kara amniga, lagana shaqeeyo Nabadda.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mohamed nor War’ady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here