Maalinta ka Hortaga Isticmaalka Tubaakada oo Maanta laga xusay dunida.

0
15
Screenshot

Baydhowy (Raathiyow Arlaathy) Maalinta Caalamiga ah ee Ka-hortagga Tubaakada, 31-ka May. Waa maalin uu soo agaasimo Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) si loola dagaallamo halista tubaakadu ku hayso nolosha aadanaha.

Maalintan waxaa si gaar ah diiradda loo saaraa wacyigelinta bulshada si ay uga fogaadaan isticmaalka tubaakada, loogana hortago dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha Maalinta Caalamiga ah ee Ka-hortagga Tubaakada waxaa la aas-aasay sanadkii 1987, iyadoo WHO ay doonaysay in la xoojiyo dadaallada lagula dagaallamayo cudurrada ay sababo tubaakadu sida kansarka, xanuunnada wadnaha, iyo neef-qabatin joogto ah.

Ujeedada maalintani waa in La wacyigeliyo dadweynaha caalamka Loo sheego halista tubaakada La dhiirrigeliyo ka-tagista tubaakada La taageero siyaasadaha xakamaynaya tubaakada Soomaaliya, inkastoo aanay jirin tirokoob sax ah, haddana isticmaalka tubaakada ayaa sii kordhaya, gaar ahaan dhalinyarada iyo dadka ku nool magaalooyinka. Waxaa caadi noqotay in la arko dad sigaar ku iibinaya waddooyinka iyo meheradaha yar-yar.

Warkung Waliba nig haayte Mariing Mallyng Abshir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here