Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Wafdi ay hoggaaminaayaan xiddigihii hore ee Africa ee kala ah Eto’ Adebayor , Jay-Jay Okocha iyo Guddoomiye ku xigeenka CAF Suleiman Waaberi oo maanta si wayn loogu soo dhaweeyay Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali oo uu wehliyo Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa ayaa garoonka diyaaradaha Adan Adde ku soo dhaweeyeen ciyaartooyda kala ah Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay Jay Okacha oo dalka soo gaaray.
Ciyaartoyda waxaa booqashada ku wehliya masuuliyiin sarsare oo ka socota xiriirka Kubadda Cagta ee CAF.