Dunida Oo Laga Xusayo Maalinta Ciribtirka Iskufuranka Haweenka

0
9
Screenshot

Baydhowy (Raathiyow Arlaathy) Fistula-da hooyada waa dhaawac caafimaad oo dhaca inta lagu jiro dhalmada, gaar ahaan marka dhalmadu ay adkaato ama ay qaadato saacado badan iyadoo aan la helin gargaar caafimaad. Waxay keentaa in xididada kaadiheysta iyo mindhicirka ay dillaacaan, taas oo keenta in hooyadu si aan la xakamayn karin kaadi ama saxaro u soo daayso.

Cudurkan wuxuu sababayaa ceeb, go’doon bulsho, iyo xanuun nafsi ah iyo mid jir ahaaneed oo culus. Waxa ugu xanuunka badan ayaa ah in cudurkan laga hortagi karo, lagana daweyn karo haddii la helo adeeg caafimaad oo degdeg ah.

Sababaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah dhalmo adag oo aan la helin adeeg caafimaad oo xirfad leh, guur hore, nafaqo-xumo, iyo hooyada oo dhalmada la seexato muddo dheer. Waxa kale oo muhiim ah in dumarka badankood ay ku noolyihiin deegaano fog fog oo aysan si fudud ku heli karin xarumo caafimaad.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mohamed nor War,ady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here