Tottenham Oo Man United Ku Garaacday Europa League.

0
7

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Tottenham ayaa ku guulaysatay Europa League iyaga oo garaacay kooxda Man United.

Kulanka ayaa ahaa mid hal dhinac ah oo ay Man United gacan saraysay.

Tottenham ayaa daqiiqadii 42-aad dhalisay Goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Johnson kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Wixii intaas ka dambeeyay Man United ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha.

Laakiin Tottenham ayaa si waali ah u difaacatay iyaga oo United u diiday in ay xitaa u dhawaadaan goolkooda.

Waxa sidaaa ku dhamaatay ciyaarta oo ay Tottenham ku guulaysatay Europa league.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here