Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Amorim Ka Hor Final-ka Europa League.

0
6

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tababaraha Man United ee Ruben Amorim ayaa sheegay in aanu wax dareen ah siinayn hadal haynta shaqo ka caydhintiisa Man United hadii laga badiyo Europa League.

United ayaa caawa oo Arbaca ah la ciyaari doonta Final-ka Europa League kooxda Tottenham iyada oo ku jirta qaab ciyaareed liita premier League iyaga oo ku fashilmay in ay badiyaan 8-dii kulan ee ugu dambaysay.

Kooxda Amorim ayaa haatan fadhisa kaalinta 16-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League ka hor maalinta ugu dambaysa ee xilli ciyaareedka waxana durba la dammaanad qaaday in ay ku dhamaysan doonto dhibcihii ugu hooseeyay abid, iyada oo aan loo eegin natiijadooda kulanka Aston Villa ee Axada.

Tottenham ayaa sidoo kale ku jirta xilli ciyaareed adag iyaga oo ku jira kaalinta 17-aad ee premier League.

Wararka ayaa sheegaya in Postecoglou laga cayrin doono Spurs xitaa haddii ay ka badiso United finalka Europa League fiidnimada Arbacada.

Dhanka kale, waxaa sidoo kale la sheegay in United ayna shaqada ka caydhin doonin tababare Amorim xitaa hadii laga badiyo United final-ka Europa League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here