Wakiilka Klopp Oo Ka Hadlay Wararka Klopp La Xiriirinaya Shaqada As Roma

0
3

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Warbixin laga helay wargeyska MARCA ayaa sheegaysa in Jurgen Klopp lala xiriiriyay shaqada tababarenimo ee AS Roma, maadaama Claudio Ranieri uu qorsheynayo inuu howlgab noqdo.

Si kastaba ha ahaatee, wakiilka Klopp, Mark Kosicke, ayaa hadda si cad u beeniyay wararkaasi.

“Wararka sheegaya in Klopp uu noqonayo tababaraha cusub ee AS Roma ma aha kuwo run ah,” ayuu yiri Kosicke.

Klopp ayaa sanadkan bilowgiisii ku biiray ururka Red Bull isagoo noqday Madaxa Ciyaaraha Kubadda Cagta ee Caalamiga ah, waxaana uu sii wadan doonaa shaqadiisaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here