Wafdi ka Socda Dowlada KG Oo Bulshada Diinsoor kala hadlay Baahiyaadkooda

0
4

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Marwo Shamso Maxamed Yarow, ayaa booqasho rasmi ah ku tagtay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wasiirada waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha maamulka degmada, oo uu hormuud ka yahay Guddoomiyaha Degmada Diinsoor, Mudane Axmed Aadan, waxaana sidoo kale soo dhoweynta ka qeyb galay saraakiil ka tirsan laamaha amniga, qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka, iyo masuuliyiin kale.

Ujeeddada safarka Wasiirka ayaa ahayd daahfurka tababar muhiim ah oo ku saabsan hirgelinta Qorshaha Qaranka ee Caruurta, tababarkan oo qayb ka ah dadaallada ay Wasaaraddu ugu jirto kor u qaadista ilaalinta xuquuqda caruurta

Warkung Waliba nig haaye Mahamed Aadan Wadani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here