Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Koowaad ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka Jubaland waxaana ka soo qeyb galay xilidhibaano, wasiiro, Aqoonyahano, Hey’adaha ka shaqeeya Arimaha Deegaanka iyo marti sharaf kale.
Shirkan muhiimka ah ayaa lagu falanqeyn doonaa sidii loo xoojin lahaa dadaallada ilaalinta deegaanka, kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada, iyo la tacaalidda saameynta sii kordheysa ee isbeddelka Cimilada.