Lamine Yamal Oo KU Digtay Jude Bellingham

0
4

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi)Lamine Yamal ayaa iska caabin kari wayday in uu ku digto xiddiga Jude Bellingham kadib markii Barcelona guusha 4/3 ka gaadhay Real Madrid kulankii El-Clasico ee La Liga.

Kylian Mbappe ayaa dhaliyay labo gool daqiiqadii 14-aad markaasoo Madrid ay hogaanka ciyaarta ku haysay 2-0 oo ay ku aamusiisay jamaahiirta reer Catalan.

Laakin hogaamiyayaasha La Liga ayaa si adag uga jawaab celiyay dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo Eric Garcia iyo Yamal ay labaduba shabaqa soo taabteen ka hor inta uusan Raphinha labo gool dhalinin 11 daqiiqo.

Mbappe ayaa soo gabagabeeyay saddexleydiisii ugu horaysay ee La Liga isaga oo rajo siiyay kooxdiisa laakiin Barcelona ayaa sii xojisatay hogaanka iyaga oo 7 dhibcood ku hogaaminaya horyaalka.

Guusha ayaa timid maalmo uun ka dib markii Barca ay si xanuun badan uga hartay Champions League ee gacanta Inter Milan, waxaana Flick uu ku amaanay ciyaartoydiisa niyad wanaag iyo dagaal ay soo bandhigeen isbuuc adag ka dib.

Ka dib guuldaradii Barcelona ka soo gaartay Inter isbuucaan, ciyaartoyda Madrid ee hore iyo kuwa haatan, oo ay ku jiraan ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Bellingham iyo halyeeyga kooxda Sergio Ramos, ayaa “LIKE” Saaray Alessandro Bastoni qoraalkiisa dabaaldega ee baraha bulshada.

Laakiin Yamal ayaa ka aarsaday kadib guushii ay Barcelona ka gaadhay Real Madrid  isaga oo Instagram-ka soo dhigay si uu farriin cad ugu diro kuwii ka falceliyay qoraalka Bastoni, isaga oo ku qoray ‘sida kan oo kale’ oo ay weheliso emoji il-jabinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here